Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii labaad ka badbaaday mooshin lagu eedeyn ahaa inuu ka danbeeyay weerarkii ay taageerayaashiida ku qaadeen xarunta Koongareeska Mareykanka.
Mooshinkan oo ay wadeen Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku eedeynayey Trump inuu dhaqaaqay kicin dadweyne iyo qalalaase abuur, waxaana maxkamadeyntiisa oo muddo 4 maalmood ah socotay kadib cod loo qaaday goor dhoweyd ay natiijadii noqotay 57 mudane oo taegeeray inuu dembiile yahay iyo 47 mudane oo diiday inuu kiciyey dadka, wax dembi ahna aanu lahayn.
7 xubnood oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa taageeray Mooshinka ka dhanka ah Trump, taasoo aan ku finaan in la eedeeyo Madaxweynihii hore ee qaska badan ka abuuray dalkaasi, taasoo haddii ay dhacdo ka hor istaagi lahayn inuu isu sharxo xil danbe oo federaal.
Qoraal uu soo saaray Donald Trump kadib markii uu fashilmay mooshinkii ka dhanka ahaa ayuu ku sheegay inuu dhammaaday dagaalkii siyaasadeed ee mudadda dheer lagu hayey, isla markaana uu dib u soo nooleyn doono dhaqdhaqaaqiisa ‘Make America Great again’.
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku eedeeyay Senatoorada Jamhuuriya inay danaha xisbiga iyo kuwa shaqsiga ah ka doorteen danta guud ee Qaranka Mareykanka, ayna nasiib darro tahay inay daboolaan dembiyada uu galay Donald Trump.
Jamhuuriyiinta ayaa ku doodaya inaysan sharci ahayn in mooshin lagu qaado madaxweyne aan hadda xil heynin oo shacab caadi ah, balse ay ka horjeedaan weerarkii lagu qaaday xarunta Koongareeska.
