Monday, June 23, 2025

Donald Trump oo Maxkamad loo soo taagayo iyo Faahfaahinta Eedaha loo heysto

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan la filayaa in Maxkamad lasoo taago, kadib markii lagu helay eedo ku saabsan Dokumentiyo Sir ah oo uu ka qaatay Xafiiska madaxweynaha markii uu xilka banneeyay.

Xeer ilaalinta heer federaal ah ee Gobolka Florida ayaa Donald Trump kusoo oogtay dacwad la xiriirta inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad, taasoo ay ka dhalan karo ciqaab.

Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad loo heysto, iyadoo ka codsatay inuu soo xaadiro Maxkamadda Gobolka Miami maalinta Talaadada ah ee soo socota, waxaana arrintan xaqiijiyay Trump ku shaaiyay bartiisa bulshada.

Ad

“Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Trump, isagoo tilmaamay in dacwaddu ku saabsan tahay Sanduuqyo dukumeenti ka buuxaan oo Hay’adda FBI ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii Agost.

Arrintan ayaa ka dhigeysa Donald Trump madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee maxkamad federaal ah dacwaddiisa lasoo taago, iyadoo dacwad loo heysto.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON