Tuesday, July 15, 2025

Donald Trump oo wiil gabadhiisa qaba u magacaabay la-talihiisa Aqalka Cad ee Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa nin uu sodog u yahay oo lagu magacabo Jared Kushner u magacaabay la-taliyihiia Sare ee Aqalka cad.

Jared Kushner oo hadda 35-sano jir ah, wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaray ololihii Trump uu xilka ugu tartamay, waxaana hore loo hadal hayay in xilkan uu qaban doono.

Shaqadiisa cusub ee aqalka cad ayaa ku saabsanaan doonto dibadda iyo gudaha Mareykanka. Mr Kushner oo qaba gabadha Trump ee Ivanka Trump, wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda dhulka, kaas oo leh dano ganacsi oo ballaaran.

Xisbiga dimuquraadiga ayaa ku baaqay in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay “Qaraabo-kiil iyo is dhexgal dano kala duwan”, iyadoo ku baaqay dib u eegis lagu sameeyo magacaabidda.

Xubnaha guddiga cadaaladda ayaa ku booriyay in waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan arrintan.

Xilli sii horeysay, Trump wuxuu Kushner ku tilmaamay “qof aad ugu weyn”, uuna ku faraxsan yahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed maamulkiisa ka mid ah.

Trump oo ah ganacsade ka soo jeeda New York, waxaa 20-ka Janaayo loo dhaarindoonaa inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.

Xubnaha kooxda Trump waxay ku doodayaan in sharciga diidaya in xil loo magacaabo qoyska uusan khuseyn Aqalka Cad.

Sidoo kale waxaa jiro sharciga anshaxa oo diidaya in shaqaalaha dowladda aysan wax faa’iido ah ka helikarin ganacsiga. Balse qareenka Mr Kushner wuxuu sheegay inuu shaqada ganacsiga ka tegayo haddii uu qabto shaqada lataliyaha ee Aqalka Cad.

Mr Kushner waxaa loo arkaa inuu sodoggiisa si weyn ugu ololeeyay, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhinaca istiraatiijiyadda teknolojiyadda.

Graphic showing who Donald Trump has appointed to be his advisors and members of his cabinet

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON