Tuesday, July 8, 2025

Donald Trump oo xilkii ka qaaday Xeer ilaaliye Guud oo ka hor timid Go’aanadiisa

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud ee Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo  Sally Yates oo xilka si kumeelgaar ah u heysay.

Sally ayaa ka careysiisay Donald Trum kadib markii ay shaqaalaha wasaaradeeda u sheegtay inaysan difaacin amarka uu soo saaray madaxweyne Trump ee dadka kasoo jeeda 7 dal oo muslimiin ah looga joojiyay inay tagaan Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ka mid ahayd xubnihii madaxweyne Obama magacaabay, si ay xilka ugu wareejiyaan xubnaha csub ee uu soo magacaabo madaxweyne Trump.

Arrintan ayaa ka dhalatay muranka ka  taagan wareegtooyinka fulineed ee madaxweyne Trump soo saaray, waxaana uu si cad ugu sheegay saraakiisha Mareykanka ee ka horjeeda go’aanadiisa inay aqbalaan ama ay xilalka ka tagaan.

Qoraal ka soo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in Yates “ay khayaantay” waaxda cadaaladda.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama ayaa laga soo xigtay inuu taageersan yahay bannaanbaxyada looga soo horjeedo go’aanada uu soo saaray madaxweyne Donald Trump sida uu sheegay afhayeenkiisa.

Go’aanada fulineed ee ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka ayaa qas weyn ka abuuray gudaha Mareykanka iyo Dunida oo dhan, waxaana magaalooyinka dalka Mareykanka ka socda bannaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo madaxweyne Trump.

Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay magaalada London ee dalka Ingiriiska iyagoo ka horjeeda siyaasadaha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, waxaana 2 milyan oo qof ku dhow mooshin ay saxiixayaan dadka Ingiriiska oo Donald Trump looga mamnuucayo inuu socdaal ku tago UK.

Donald Trump ayaa shaqada ka eryay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka , ka dib markii ay su’aal galisay sharcinimada mamnuucitaanka qaxootiga.

Wakaalado

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON