Wednesday, June 25, 2025

Donald Trump xilal muhiim ah u xilalka waaweyn oo ka mida Dowladiisa cusub

Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.

Trump ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu senator-ka Jamhuuriga ah ee gobolka Alabama, Jeff Sessions u magacaabay inuu noqodo Xeer Ilaaliyaga guud ee Qaranka Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale Mike Pompeo u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halka General Mike Flynn uu u magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Trump si rasmi ah ugumu dhowaaqin magacaabista uu sameeyey, hase yeeshee ilo-wareedyo dhowr ah iyo wrabaahinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday.

Flynn uma baahnaan doono in aqalka senate-ka Mareykanka uu ansixiyo magacaabistiisa, hase yeeshee Jeff Sessions ayaa wajahaya su’aalo adag oo kaga iman doona senator-ada, ayada oo lagu eedeynayo inuu hadda ka hor sheegay erayo cunsurinimo ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON