Tuesday, July 15, 2025

Dood ku saabsan Heshiiskii Dekadda Berbera oo Berri ka bilaabaneysa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta Berri  bilaabaya dood ku saabsan heshiiska muranka badan ka taagan yahay ee dekadda Berbera.

Xogheynta Baarlamaanka ayaa shaacisay in 1aad ee Kalfadhiga 3aad oo shalay si rasmi ah loo furay looga hadli doono laba ajende oo kala a: Wax ka badalka Xeer-hoosaadka Golaha iyo Heshiiska DP World ee la xariira Dekeda Berbera.

 

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay arrintan u geeyeen guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay tahay xaalad degdeg oo u baahan in Baarlamaanku go’aan kasoo saaro.

Hore ayaa Baarlamaanka Federaalka loo geeyay mooshin ku saabsan saldhigga milateri ee Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera, kaasoo aan muddo bilo ah la hor keenin Baarlamaanka, kuna maqan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Dood adag ayaa la filayaa inay arrinta dekadda Berbera ka yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la filayo inay dood weyn ka timaado arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON