Monday, July 14, 2025

Dood kulul oo ka dhalatay Madaxweyne Farmaajo oo Xalane u tegay la-kulanka Safiirka Mareykanka (Sawirro)

Dood xoog leh ayaa ka taagan baraha bulshada kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xarunta Xalane u tegay sidii uu Aqoonsiga danjirenimo  uga guddoomi lahaa  safiirka cusub ee Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta dhismaha Mareykanka ee Xalane ku qaabilay safiirka Mareykanka Donald Yukio Yamamoto ayaa  qaabilay madaxweynaha Soomaaliy, waxaana uu gudbiyey waraaqihiisa aqoonsiga, halkaasoo uu kaga guddoomay aqoonsigiisa.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa si weyn arrintan uga hadlay, iyagoo ku tilmaamay bah-dil iyo maqaam liita oo madaxweynihii ugu sareeyay dalka uu ku kacay, isagoo dhisme yar oo ku dhex yaalla xarunta Xalane aqoonsi uga guddoomo Safiirka Mareykanka.

Dadka qaarkiis ayaa arrintan u arkay inay tahay tariikh madow iyo bahdil Mareykanku ku sameeyay Soomaaliya, iyadoo uu aqbalay madaxweyne Farmaajo oo doorashada ku soo galay wadaniyad iyo qab Soomalinimo.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa caadiyan loo ogoleyn inay  dhaafaan xeyndaabka Garoonka Muqdisho arrimo amni dartood, waxaana madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay hore garoonka Muqdisho ugu qaabileen madax ka socotay Mareykanka.

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, suit

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON