Wednesday, July 16, 2025

Doodii Aqalka Sare ee Arrinta C/kariin Qalbi oo la joojiyay & Natiijada Cod loo qaaday [AKHRISO]

Kulankii loo balansanaa in Aqalka Sare uu maanta ka yeesho arrina  C/kariin Qalbi Dhagax ayaa la joojiyay oo dib loo celiyay.

Kulanka ayaa ku furmay mooshin ay geeyeen  xildhibaano ay hormuud u yihiin Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Yuusuf Dhegey, kaasoo lagu dalbaday in ajandaha laga saaro kiiska Qalbio dhagax. Xildhibaanno ay ka mid yihiin  Axmed Xaashi iyo Muuse Suudi ayaa iyaguna olole ugu jiray in Aqalka Sare go’aan ka gaaro kiiska Qalbi dhagax.

Muran ka dhashay arrinta mooshinka ayaa keenay in shirka uu furmi waayo isla markaana kulan ay yeesheen guddoonka Sare ayaa lagu  go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo.

Xildhibaanno gaaraya 21 oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday oo ay dooneysay in laga doodo, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan oo kale. waxaana lagu dhawaaqay in arrintan loo daayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyay shalay in Aqalka Sare uu maanta ka doodi doono go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax , isagoo sheegay inay sheegi doonaan SAX iyo KHALAD.

Waxaa muuqata in taageerayaaha xukuumadda  ay ku badan yihiin Aqalka Sare iyagoo ka hortegay in kiiskan uu soo farageliyo Aqalka sare, arrintan oo wasiirada xukuumadda Federaalka ay xalay kasoo shaqeeyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON