Monday, July 14, 2025

Doon ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ku rogmatay Beledweyne & Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Doon ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan ay kula rogmatay gudaha magaalada, iyadoo ay la socdeen Duqa Degmada Beledweyne, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo dad ku dhow 20 qof.

Doonta ayaa la sheegay in laga badbaadiyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, Duqa Degmada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, iyo Injineero la socday, iyadoo inta badan dadkii a socday loo gurmaday oo biyaha laga saaray, balse weli ay maqan yihiin dad kale oo la socday Doonta.

Dadka la raadinayo waxaa ka mida mas’uul ka tirsan Hirshabelle oo la-taliye u ahayd Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo askar la socotay mas’uuliyiinta Doonta saarnaa, waxaana weli socda gurmadka lagu baadi goobayo dadkan ay la qalibantay Doonta.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay jiraan dad ku dhinay shilka qabsaday Doontan, waxaana xaaladda uga sii daray Roob xoog leh oo ka da’ay magaalada iyo hareeraheeda, isla markaana dadkii barakacay ay iyaguna xaaladoodu liidato, waxaana si weyn looga deyrinayaa xaaladda dadka ku nool magaaladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON