Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka bilaabanaya Maamulka Puntland, sida uu shaaciyay Guddooomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Maamulka Puntland Khaliif Aw-Cali.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay bilaabayaan doorashada qeybtii ugu horeysay xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 12 kursi oo ay tartami doonaan 8 beelood.
Ergada dooraneysa xildhibaanada ayaa la sheegay in la xareyn doono 2-4 bisha November, oo la siin doono wacyi gelin, isla markaana la siin doono aqoonsi, kadibna ay doorashadu dhici doonto labada maalmood ee 5-6 November sida qorshuhu yahay.
12-ka kursi ee ugu horeeya waxaa dooran doona 612 ergo, waxayna beelaha iyo xildhibaanada la dooranayo ay kala yihiin:
| DOORSHADA XILDHIBAANADA AQALKA HOOSE EE PUNTLAND | |
| Warsangeli: | 4 |
| Dashiishe: | 2 |
| Cali Jabraaiil: | 1 |
| Sawaaqroon: | 1 |
| Cali saleebaan: | 1 |
| Ciise Maxamuud: | 1 |
| Yibro: | 1 |
| Madhibaan: | 1 |
GOOBJOOGE.COM


