Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceyso doorashada kursi ka bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee ddoorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa shaacisay in magaalada Garowe alagu qabanayo doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo uu banneeyay xildhibaan hore.
Xaliimo Yarey ayaa ka sheegtay magaalada Garowe in kursiga loo tartamayo uu baneeyay ex xildhibaan Dhahar Cali Faarax, waxaana u tartamaya laba musharax oo uu ka mid yahay wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo lagu wado inuu ku guuleysto.
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ka qabteen doorashooyin kuraas ka banaanaatay Golaha Shacabka.