Thursday, July 3, 2025

Doorashada Kursiga HOP011 oo Xaalad aan caadi ahayn uga bilaabatay Beledweyne (Sawirro)

Waxaa magaalada Beledweyne ka bilaabatay doorashada kursiga HOP011 oo xaalad ka duwan sidii hore u dhaceysa, kadib qaraxyadii magaalada ka dhacay xalay iyo dadkii badnaa ee ku dhintay.

Doorashada ayaa lagu qabanayaa meel bannaan ah, iyadoo ergada, musharixiinta iyo dadka goobta isugu yimid ay madaxa ku xireen marooyin cas oo ku muujinayaan dilka ka dhacay magaalada oo dadkii ku naf waayey ay ka mid ahayd xildhibaan Aamina Maxamed Caadi.

“Waxaa dhawaan Guddiga Doorashada Hirshabeelle u bilaawday qabashada Kursiga HOP#011 kaa oo xalay baaqday qaraxyadii dhacay kadib. Doorashadan ayaa u dhacaysa si ka duwan sidii hore si Loo muujiyo in Duruuf walba oo lagu sugan yahay hadafkeenu yahay dhamaystirka Doorashada dowlada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxya Guddiga Doorashada Hirshabeelle.

Kursiga HOP011 waxaa ku tartamaya C/risaaq Cumar Maxamed oo hore ugu fadhiyey iyo Mushrax dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Maxamed Tuure.

May be an image of 4 people, people standing, people sitting and outdoors
May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 4 people, people standing, people sitting and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON