Sunday, July 27, 2025

Doorashadii Itoobiya oo Sanadkan oo Cudurka Coronavirus dartiis dib loogu dhigay.

Guddiga Qaran ee Doorashada dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashadii la wada sugayey ee dalka Itoobiya ka dhici lahayd sanadkan.

Guddiga Doorashada Itoobiya (National Electoral Board of Ethiopia -NEBE) ayaa soo saaray go’aanka dib u dhigista Doorashada, isagoo shaacisay inuusan qaban karin doorashada guud ee Itoobiya xilliga loogu talogalay oo ah Ogost 29, 2020; taasoo ay ugu wacan tahay cudurka Coronavirus.

Guddiga ayaa sheegay inuu joojiyey howlihii uu waday ee ku saabsanaa Doorashada dalkaasi, iyadoo amarrada lasoo rogay si looga hortago faafista cudurka Covid-19 aysan u ogolaaneyn inuu sii wado shaqadiisa.

Doorashada guud ee Itoobiya ayaa ahayd mid muhiim u ah dalkaasi; iyadoo lagu waday inay noqoto doorasho si weyn loogu tartamo, inkastoo laga digay inay rabshado ka dhalan kareen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON