Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo uu mar kale dib u dhac ku yimid doorashada.
Qoraal uu soo saaray Guddiga ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 22-ka bishan dib u eegis lagu sameynayo shuruudaha laga doonayo musharaxa iyo hab raaca doorashada, lana soo saarayo jadwalka.
Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayaa ayaa khudbadahooda ka hor jeedin doona Baarlamaanka 2-3 da Disember 2019, iyadoo doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 5-ta Disember, waxaana toddobaad kale markii labaad dib loo dhigay doorashada.
HOOS KA AKHRISO