War uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa lagu sheegay in la hakiyay Doorashadii xildhibaanada beelaha Waqooyi ee ka socotay magaalada Muqdisho.
Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in khilaaf ka taagan yahay arrimaha ergada Doorashada, isla markaana ilaa amar dambe la hakiyay Doorashada xubnaha kasoo jeeda Somaliland.
Doorashada oo ka socotay xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdisho ayaa gaabis noqotay, waxaana wararka laga helayo ay sheegayaan inay jiraan is qabqabsi ku saabsan ergooyinka Doorashada oo hareeyay doorashadaasi.
Joojinta Guddiga Doorashada ee xildhibaanada Waqooyi ayaa xaalad kale oo jiitan ah sii gelineysa Doorashada 2016 oo ku jirta marxaladii ugu danbeysay.
Goobjooge.com