Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in doorasho aan hore loo arag ay halkaasi ka dhacday saaka.
Doorashadan oo lagu doortay laba kursi oo si weyn muran uga taagnaa ayaa kala ahaa: Kursiga beesha Jidle/Gugundhabe iyo Beesha Carab Soomaali. Waxaana doorashadan ay ahayd mid degdeg loo qabtay oo aan la raacin sidii sharciga ahayd.
Qaar ka mida Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo kaashanaya maamulka Hirshabeelle ayaa qabanqaabiyay fal loo ekeysiiyay doorasho, balse ahayd is-magaaabid oo la sheegay in lagu doortay labadii kursi ee la isku hayay, waxaana ku soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed C/llaahi Nuux oo hore Guddiga Doorashada uga reebay tartanka Kursigan.
Kursiga beesha Jidle/Gugundhabe ayaa lasheegay inuu ku guuleystay Wasiir Nuux la tartamaysay Hinda C/llaahi Cumar, wuxuuna helay 45 cod.
Kursiga Beesha Carab Soomaaliya ayaa iska doorashada farsameysan ee Saaka ka dhacday Jowhar waxaa ku soo baxay C/casiis Saalax Carmaan oo ahWasiir kuxigeenkii Beeraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka danbeeyay afduubka ka dhacay labadii kursi ee ugu danbeysay aqalka hoose magaalada Jowhar.
Guud ahaaba waxaa lasoo afjaray doorashadii ka socotay magaalada Jowhar waxaana kusoo baxay Maxamed C/laahi Nuux iyo waliba C/casiis Saalax Carmaan oo labaduba ka guuleystay xubno ay la tartameen.
Goobjooge.com