Dadweynaha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeray goobaha cod bixinta doorashada madaxweynaha dalkaasi oo ay ku tartamayaan Madaxweynaha C/fatah Al-Sisi iyo musharax kale oo lagu magacaabo Musa Mustafa Musa.
Doorashadan oo la sheegay inay socon doonto muddo saddex Berri ah ayaa laga cabsi qabaa in dadka codeynaya ay aad u yaraadaan, iyadoo ah doorasho magac ahaan u jirta kadib laga hor istaagay musharixiintii la tartami lahaa madaxweynaha xilka haya.
Musharax kaliya ee la tartamaya madaxweyne Sisi ayaa ah nin taageersanaa oo daqiiqadihii ugu danbeeyay loo diiwaangeliyay inuu yahay musharax la tartamaya, iyadoo doorashadan lagu tilmaamay mid dhinac ka rarran.
Mussa Mustafa oussa waa hoggaamiyaha xisbi aan aad la aqoon oo ka mid ahaa dadkii taageeray dib u doorashada madaxweyne Siisi, kadib markii musharixiintii kale qaabab kala duwan oo awood sheegasho ah looga reebay tartanka.