Monday, July 14, 2025

Doorashooyinka Golayaasha Maamulka Somaliland oo markii lixaad Dib u dhacay.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaysan qabsoomui karin oo aanay suurtogal aheyn Doorashooyinkii Golayaasha wakiilada iyo Degaanka ee Somaliland oo ku mudeysnaa inay dhacaan 12-ka Disembar 2019.

Guddiga ayaa faahfaahin iyo caddeyn ku saabsan go’aankooda u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo shalauy u dhoofay dalka Sacuudiga oo uu xajka sanadkan ka qeyb galayo, wuxuuna Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame uu shaaciyey in farsamo ahaan iyo sharci ahaanba aysan u qabsoomi kareyn Doorashooyinka Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka Somaliland.

Xildhibaannada Somaliland ee ka soo jeeda Awdal, Sanaag Bari iyo Sool ayaa sheegay in saami qeybsiga la xalliyo ka hor inta aan doorasho la’aadin, waxaana jiray in labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland aan wax doorasho ah la qaban muddo ku dhow 10 sanadood, Waana markii lixaad ee dib loo dhigo Doorashooyinkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON