Sunday, July 27, 2025

Dowlada Somlia oo Xabsigii Hay’ada NISA ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow, loona wareejiyey..

Dowladda Somalia ayaa xabsigii Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), iyadoo loo wareejiyey xabsi Guri.

Sida laga soo xigtay ehelada Roobow, waxaa dadaal socday muddo dheer kadib ay madaxda dowladda Federaalka ay ogolaadeen in 8 bilood kadib Sheekh Roobow laga saaro xabsiga NISA, iyadoo la geliyey Guri ku yaalla xeydaabka Madaxtooyada oo lagu ilaalin doono, arrintiisuna ay la mid noqon doono sida Sheekh Xasan Daahir oo muddo dheer xabsi Guri ugu jira dowladda Somalia.

Dowladda Somalia ayaa Sheekh Roobow kasoo xirtay magaalada Baydhaba xilli uu u tartamayey xilka madaxweyaha K/Galbeed, iyadoo loo adeegsaday ciidamada Itoobiya bishii Decembar 2018, waxaana in la sii deynayo ballanqaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha K/Galbeed.

Wuxuu hore u soo nqoday Mukhtaar Roobow ku-xigeenka Amiirka iyo AfhayeenAl-Shabaab, wuxuuna sanadkii 2017 uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka, laakiin dowladda Federaalka ayaa diidan inay xoriyadiisa dib ugu celiso Sheekha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON