Tuesday, June 24, 2025

Dowlada Soomaaliya iyo Shirkado Shiinees ah oo Nairobi ku kala saxiixday heshiis Kalluumeysi

Dowladda Soomaaliya iyo Shirkado Shiinees ah ayaa maata maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis kalluumeysi oo shirkadahasi ruqsad u siinaya inay Badda Soomaaliya ka kalluumeystaan.

Shirakadaha ayaa ka kalluumeysan doona doona badda Soomaaliya, iyado heshiiskaasi lagy siinayo Leysin ay bixineyso dowladda Soomaaliya, kadib heshiis aanu weli Baarlamaanka ansixin oo madaxda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ay ku qeybsadeen wax soo saarka kalluumaysiga dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi oo heshiiska saxiixay ayaa sheegay in looga golleeyahay in shirkadahan ruqsad loo siiyo inay ka kalluumaystaan badaha Soomaaliya, isla markaana lala socon doono cadadka iyo kaluunka ay qaadanayaan.

Wasiirka ayaa ku dooday in heshiiskan uu wax weyn ka tarayo dhaqaalah dalka, shirkaduhuna yihiin kuwo gaara oo aan hoos tegin dowladda Shiinaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON