Sunday, July 6, 2025

Dowlada Soomaaliya oo Markab sida Gawaarida dagaalka u dirtay Magaalada Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gaadiid milateri u dirtay magaalada Kismaayo. Gaadiidkan oo isugu jira kuwa loo yaqaan Land Cruizer (Cabdi Bile) oo qoryaha dagaalka lagu rakibo iyo gaadiid kale oo nooca Booliska adeegsado ah ayaa Markab lagu raray uu ku xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo.

gaadiid

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa gadiidkan hore loogu deeqay, waxaana loo gudbiyay magaalada Kismaayo iyagoo la sheegay in gaadiidkaasi lagu wareejinayo ciidamada milateriga isku dhafka ah ee duleedka Kismaayo ku xareysan, laakiin maamulka Jubba saraakiil ka mida ayaa sheegaya in gaadiidkaasi Jubbaland ay ugu deeqday dowladda Federaalka.

Markabka Gaadiidka milateri geeyay magaalada Kismaayo waxaa la wareegay Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ee qaabilsan sedexda gobol ee Jubaland  Jeneraal Muxyadiin Cabdiraxmaan Xasan, laakin waxaa la sheegay inuusan saxaafadda wax war ah siinin.

Tirada gaadiidkan oo la geeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in lagu diyaarinayo halkaasi. Hore waxaa gadiidka milateri iyo kuwa gaashaan maamulka Jubba ugu deeqay Imaaraadka Carabta.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON