Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalin kadib war kasoo saartay dagaalkii qasaaraha badan dhaliyey ee Alshabaab shalay ku qaadeen degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in dagaalka looga dilay Alshabaab 51 maleeshiyo, lagana qabtay lix (6), halka dadka degaanka laga dilay 10 qof, iyadoo lagu bogaadiyey dadka degaanka ee la dagaalamay Alshabaab.
“Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Soomaaliya.
Dagaalkii shalay yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee degaankaas ku yaalla, kadibna ay galeen magaalada Bacaadweyne. Dadka degaanka oo is abaabulay ayaa la sheegay inay markaas kadib weerar rogaal celis ah ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, dib u qabsaday magaalada.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalka ku dishay 56 askari, ayna ku qabsatay Gaadiid dagaal oo gaaraya shan, iyadoo soo bandhigtay qaarkood.