Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war kasoo aaray go’aankii xukuumadda Soomaaliya hoos ugu dhigtay xiriirka xiriirka dalka Kenya, iyagoo sheegay inay walaac xoog ka muujinayaan arrintan.
Qoraal caawa kasoo baxya Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in go’aanka xukuumada u arkaan mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Goluhu wuxuu Madaxweynaha uga digayaa inuu siyaasadda arrimaha dibadda dalka u adeegsado olole doorasho, naceyb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Musharixiinta oo ka kooban 14 siyaasi oo u taagan xilka Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuusiyey in sanadkii 2016 saldhiga ololohiisa uu ahaa Kenya, isagoo xilligaasi Itoobiya ku tilmaami jiray caddowga Soomaaliya.

