Wednesday, June 25, 2025

Dowladaha Itoobiya & Eritrea oo Heshiis buuxa kala Saxiixday & xaaladii dagaal oo dhammaatay [Akhriso]

Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis buuxa ku kala saxiixday magaalada Asmara, iyadoo si rasmi ah loo soo celiyay xiriirkii labada dal, lana soo gabagabeeyay xaaladii dagaal ee u dhaxeysay labadaasi dal.

Heshiiska oo ay saxiixeen hoggaamiyeyaasha labada dal ee Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa dhigaya in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasi ee labada dal oo ay is dhaafsaday danjireyaashii u kala fadhiyay caasimadaha labada dal, waxaana dib loo soo celinayaa xiriiradii dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Waxaa heshiisyada ka mida in duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara dib loo billaabo. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale markii ugu horaysay muddo 20 sano ah fasaxay khadadka taleefoonada ee labada wadan, madaama shacabka labadaasi dal ay ku adkeyd inay is wacaan.

Heshiisyadan ayaa imaanaya xilli ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmad uu shalay booqday magaalada Asmara ee dalka Eritra. Waana markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha waddamadani ay kulmaan tan iyo colaaddii dhexmartay labadaasi dal oo la soo afjaray sanadkii 2002.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON