Dowladaha Khaliijka oo la wareegay siyaasadda dibadda Somaliya [Farmaajo oo bilaabay qorista Carabiga]

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wax ka bedel ku sameeyay baraha dowladda Soomaaliya ku leedahay internet-ka ee bulshadu ku xiriirto (Social Media).

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii kordhiyay barta Villa Somalia ee twitter-ka in lagu qoro Afka Carabiga, taasoo laga dareemay siyaasadda dibadda ee madaxweynaha ay u janjeerto dhinaca Carabta.

Intii aanu xilka la wareegin ayuu bartiisa shaqsiga ah ku soo qoray Farmaajo wadahadal khadka telefoonka ku dhex maray Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis oo ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, isagoo ku sheegay inuu kala hadlay taageero Sacuudigu ka geysto abaaraha Soomaaliya.

Arrinta kale waxay noqotay qoraal carabi ku qoran oo bogga gaarka ah ee madaxweynaha uu soo dhigay, kaasoo uu ka muuqdo kulankii dhex maray Farmaajo iyo Boqor Salmaan, waxaana lagu soo beegay intii uu ku sugnaa magaalada Riyaad.

Arrintu intaas kuma ekaan ee qoraalada Carabiga waxaa lagu qoray bogga Villa Somalila oo ahayd markii ugu horeysay ee luqada Carabiga kasoo muuqato, waxaana qoraalkaasi loogu hambalyeeyay Amiirka dalka Kuweyt, maalinta xoriyadda dalkaasi awgeed.

Luqada Carabiga ah ayaa ah tan labaad ee rasmiga ah Soomaaliya, laakiin dowladda Soomaaliya ayaan ku dhaqmin, waxaana inta badan xafiisyada iyo madaxda dowladda adeegsadaan Luqada Ingiriiska oo xitaa meesha ka saartay Afkii Soamaaliga.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqata in siyaasaddeeda dibadda ay hagi doonaan dowladaha Carbeed ee Khaliijka, siiba Sacuudiga oo ugu tun weyn dalalkaasi.

Goobjooge.com