Wednesday, July 16, 2025

Dowladaha Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhaqaale lagu taageerayo Miisaaniyadda Somalia

Waxaa magaalada Ankara lagu saxixay heshiis ay dowladaha Somalia iyo Turkiga dhexmaray oo Turkigu dhaqaale ku taageerayo Miisaaniyadda sanadlaha ah ee dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay safiirka u fadhiya dalka Turkiga Jaamac C/llaahi Ceydiid, halka dowladda Turkiga uu u saxiixay mas’uul ka socday wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta dalkaasi, iyadoo Turkigu taageero dhaqaale oo jogto ah ku kabayo miisaaniyadda dowladda Somalia.

Waxaa heshiiskan bogaadiyey wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia oo sheegay inuu taageero Turkigu siinayo umadda Soomaaliyeed, wuxuuna uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa hore bil kasta lacag ugu kabi jiray miisaaniyadda dowladda Somalia, iyadoo aan la shaacin heshiiska cusub iyo tirada lacagta uu bixinayo Turkigu.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON