Tuesday, July 8, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis cusub [Akhriso]

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan iskaashi dhinaca beeraha ah.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Somaaliya Siciid Xuseen oo ku sugan Turkiga ayaa heshiis la saxiixday dhiggiisa Turkiga Ahmad Ashraf, waxaana heshiiska labada dowladood uu dhigayaa in Turkigu horumarin ku sameeyo wax soo saarka beeraha Soomaaliya.

Labada wasiiraya is weydaarsaday khudbado ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya labada dal wixii ka dambeeyay sanadii 2011, iyadoo Turkiga maalgelin iyo taageero dhinacyo kala duwan leh siiyay Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa la kulmay Guddoomiyaha Hay”adda TIKA ee horumarinta Turkiga Dr. Serdar Cam, oo ay ka wada hadleen  iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal, sidii  kor loogu qaadi lahaa  isla amrkaana sare loogu qaadi lahaa Mashaariicda horumarineed oo Hay’adda TIKA  ka waddo Soomaaliya.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON