Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiis cusub oo is-afgarad ah, kadib socdaal uu dalkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood ee Somalia iyo Turkiga.
Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.
Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, is-dhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.





