Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa canbaareysay weerarkii qaraxa is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen 8 qof, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
“Waxaan si xoog leh u cambaareyneynaa weerarka argagixiso. waxaan aad uga xunahay dadka ku dhintay. Waxaan tacsi u direynaa walalaaheen iyo dowladda Soomaaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga oo dadka qaraxaasi ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad.
Sidoo kale dowladda Qatar ayaa cambaareysay qaraxa Muqdisho, sida lagu sheegay War goor dhow kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar oo lagu sheegay inay si weyn uga horjeedo falalka argagixiso, waxaana tacsi loogu diray dowladda Soomaaliye iyo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxa.

