Dowladda Baxreyn ayaa ku soo biiray dagaalka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii lacag safaaradda Imaaraadka u socotay lagu qabtay Garoonka Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn ayaa weerar afka ku soo qaaday dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Muqdisho ka dhisan ay ka abaal dhacday Imaaraadka, ayna hoos jiifto caddowga umadda.
Wasiirka Arriamaha dibadda Baxreyn Khaalid Bin Axmed Aala Khaliifa ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu ku yiri: “Imaaraadka waa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dowli ah, oo madaxweynaha ka soo qeyb-galay, waxaa ay Soomaaliya ka taageertay burcad-badeedda, waxaa ay gudatay waajibka, waxaa ay siisay lacag, hub iyo daawo”.
Wuxuu intaas ku daray Khaalid Bin Axmed Aala Khaliifa in Soomaaliya ay tahay dal aan abaal laheyn, oo cadawga umadda ku soo jira, isla markaana taageeradii Imaaraadka ay u bedeshay abaal dhac xumeyn iyo in ay hoos gasho cadawga umadda.
Baxreyn ayaa ka mida isbaheysiga ka horeeja Qadar ee ay ku jiraan dalalka Sacuudiga, Imaaradka, Baxreyn iyo Masar, waxaana muuqata in xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ay sii xoogeysatay.