Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Brundi oo ka hor timid inay Soomaaliya kala baxdo 1000 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM

Dowladda Brundi oo ka mida dalalka ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya ayaa ka  hor timid codsi uga yimid Ururka Midowga Afrika oo ku sabasna in 1000 askari oo kamida ciidammadooda ka tirsan AMISOM ay kala baxdo Soomaaliya dhammaadka bisha Febraayo ee 2019-ka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dhimista ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, laakiin madaxda Milateriga Brundi ayaa ku sheegay Qoraal ka soo baxay af-hayeenka milateriga Burundi Mr. Floribert Biyereke in milateriga Burundi ay weydiisan doonaan Midowga Afrika in si siman ciidammada la saarayo Soomaaliya loogu qeybiyo dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, ee aan ciidammada Burundi oo keliya la dhimin.

Burundi oo ah dalka labaad ee ciidammada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa ay AMISOM ku biiriyeen ciidan gaaraya 5,400 oo askari, halka dowladda Uganda na ay Soomaaliya geesay ciidamo dhan 6,200 oo aksari.

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in si tartiiib tartiib ah ay ciidammadooda uga saarayaan Soomaaliya, si ciidammada Soomaalida loogu diyaariyo in ay la wareegaan ammaanka dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON