Saturday, June 28, 2025

Dowladda Eritrea oo dib ugu biireysa urur Goboleedka IGAD & Shir ka dhacay magaalada Addis ababa

Dowladda Eritrea ayaa dib ugu soo biireysa urur Goboleedka IGAD ee Bariga Afrika, kadib markii ay ka maqneyd muddo 10 sano ka badan.

Toddobaadka soo socda ayaa shirka IGAD ee wasiirada arrimaha dibadda iyo madaxda dalalkaasi ka dhacayaa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, halkasoo ay dowladda Eritrea dib uga mid noqon doonto urur Goboleedkaasi.

Dalka Eritrea ayaa sanadkii 2007 laga joojiyey xubinimadii ururka IGAD, waxayna dib ugu  biirtay sanadkii 2011, balse sanadkii 2017 ayaa mar kale xubinnimadeedii laga joojiyey, waxayna arrintan salka ku heysaa isbedelka ka socda Geeska Afrika iyo heshiiska ay gaareen dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti oo colaad ka dhaxeysay.

Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD ayaa ka dhici doona Addis 11-12-ka bishan September, waxaana xigi doona shir madaxeedka dalalka IGAD.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON