Saturday, April 20, 2024

Dowladda Eritrea oo War kasoo saartay socdaalka Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ee Hargeysa [Akhriso]

Dowladda Eritrea ayaa war kasoo saartay socdaalka aan hore loo sii shaacin ee ay maanta magaalada Hargeysa ku tageen wasiirka arrimaha dibadda iyo la-taliyaha Madaxweynaha dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemani G. Meskel ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha dalkaasi Yemane ay tageen magaalada Hargeysa, socdaalkooduna la xiriiro booqasho shaqo oo laba maalmood qaadan doonta, taasoo qeyb ka ah dadaalka loogu jiro xoojinta nabadda Gobolka.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey socdaalkan, wuxuuna yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqday Imaaraadka Carabta, waxaana la ogyahay in Imaaraadka uu xiriir xoog leh la leeyahay dalka Eritrea.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON