Itoobiya oo ku dhaqan nidaam Federaal ah oo ku dhisan Qowmiyado ayaa yeelatay maamul cusub oo lagu magacaabo ‘Koonfur Galbeed’, kaasoo ka go’ay is-maamulka Shucuubta Koonfureed.
Dadka degaankaasi ayaa muddo dheer ku doodayey inay helaan maamul u gaara, waxaana Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee dalka Itoobiya uu qabanqaabiyey Afti dadweyne oo laga qaaday qowmiyado ku nool degaanka Shucuubta Koonfureed.
Natiijadii Aftida ayaa noqotay in Qowmiyadaha aftida laga qaaday ay u codeeyeen inay sameystaan dowlad deegaan la magac baxay ‘Koonfur Galbeed’. Wax ay dadka degaankaasi 96% codkooda ku taageereen inay noqdaan maamul ka madax bannaan oo ka go’ay Is-maamulka Shucuubta Koonfureed ee ay hore ugatirsanaayeen.
Ddka isu diiwaan geliyey inay codkooda dhiibtaan Aftida ayaa gaaray 1,344,622 qof, halka 1,262,679 ay doorteen maamulka cusub, taasoo ka dhigan inay in la badan 96% doonayaan is-maamul u gaara.
Go’aanka ugu dambeeya ee natiijada Aftida iyo aasaaska dowlad degaankaasi ayaa waxaa ansixin doona Aqalka sare ee dalka Itoobiya.
Deegaankan cusub ee ‘Koonfur Galbeed’ la magac baxay ayaa noqonayaa maamulkii labaad ee ka ka mid noqda Dowlada Federaalka tan iyo markii Abiy Axmed uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay, iyadoo sanadkii 2020 ay maamul gaara noqotay dowlad deegaanka Sidama.
Dowlad degaannada Itoobiya ayaa kala ah:
1- Tigray
2- Amhara
3- Oromia
4-Southern
5- Somalia
6-Afar
7- Gambella
8- Benishangul Gumz
9- Harari
10- Sidama
11- South West (maamulka cusub).
