Friday, June 27, 2025

Dowladda Federaalka oo Maamulka Puntland ku eedeysay inay tartan kula jirto [DHAGEYSO]

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ay kula tartameyso dowladda Federaalka dhinaca shirarka caalamiga ah.

Wasiirka Kalluumeyisga dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xaashi ayaa shaaciyay in Puntland ay fashilisay shir caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga Soomaaliya oo la filayay in lagu qabto Jasiiiradda Seychelles.

Wasiirka ayaa caddeeyay in shir hordhac u ahaa shirkaaasi oo Muqdisho ay ku yeesheen wasiirada Kalluumeysiga Maamul Goboleedyadda ay Puntland goobta la timid inay la mid tahay dowladda federaalka oo saamiga dowlada Federaalka mid la mida la siiyo, taasoo la isku mari waayay.

Wuxuu nasiibdarro ku tilmaamay in Puntland ay isla sinto dowladda Federaalka, wuxuuna intaas ku daray in Ra’iisal wasaaraha uu amray joojinta shirka Seychelles, maadaama shirkii Muqdisho fashimay.

Maamulada dalka ayaa ogoladay in Saamiga dowladda Soomaaliya, marka laga reebo maamulka Puntland oo ka hor yimid. Arrintan ayaa ka hor imaaneysa balanqaadkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa inay ka dambeynayaan lana shaqeynayaan dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON