Tuesday, July 14, 2020
More

    Dowladda Iiraan oo Booliska Adduunka ka dalbatay inuu soo xiro Donald Trump

    Dowladda Iiraan ayaa soo saartay warqad ay ku weydiisanayso booliska caalamiga ah ee Interpol inay xiraan madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, iyo tobanaan qof oo kale oo ay aaminsanyihiin inay ka dambeeyeen dilkii Janaraal Qaasim Suleymani.

    Janaraal Qaasim Suleymaan, oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa horaan sanadkan lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

    Ad

    Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa Isniintii sheegay in Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan “dacwado la xiriira dil iyo argagixiso” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee dalka Iiraan ee ISNA.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,033FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,521FollowersFollow
    144,033FansLike
    1,793FollowersFollow
    5,521FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!