Dowladda Iiraan ayaa digniin culus u dirtay dalka Imaaraadka Carabta oo ay sheegtay inay kasoo kacday diyaaradii Mareykanka ee ay ku soo riday Khaliijka Hormuz.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Iiraan ayaa u yeertay Sii-haya safiirka Imaaraadka u jooga magaalada Tehran, waxaana la gaarsiiyey digniinta ku saabsan in Iiraan aysan u dulqaadan doonin in looga soo xadgudbo dalka Imaaraadka, ayna kasoo kacaan diyaarado caddow ku ah dalkaasi oo hawadiisa ku xad gudbay.
Iiraan ayaa digniinta ay u jeedisay Imaaraadka Carabta ku sheegtay inaysan qaadi doonto masuuliyadda shikii dhowaan ka dhacay Biyaha Khaliika, mar danbe aqbali doonin, tallaabana ka qaadi doono haddii dalka Imaaraadka looga soo xadgudbo ama laga soo weerarro.
Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan oo soo diray diyaaraddii Mareykanka oo ahayd nooca wax basaasa ee is-wada ayaa sheegay in diyaaradda ay kasoo kacday saldhig ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.