Sunday, July 13, 2025

Dowladda Imaaraadka oo faragelin ku bilowday dowladda Farmaajo [Madax looga yeeray dalkaasi]

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka mida dowladaha faraha kula jira arrimaha Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq lidi ku ah dowladda cusub durba bilowday.

Imaaraadka oo toddobaadkan heshiis ay saldhig milateri ku yeelanayaan magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya loo ansixiyay, ayaa dhinaca kale xiriiro toos ah la sameysay madaxda maamul goboleedka dalka.

Imaaraadka Carbta ayaa la sheegay inay la wareegi doonto Dekadda magaalada Boosaaso, iyadoo shirkad dalkaasi ka tiran heshiis lala galay uu dhigayo inay dib u dhisto dekadda Boosaaso oo ka mida dekadaha waaweyn ee Soomaaliya.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Imaaraadka looga yeeray madaxda maamul Goboleedyada dalka oo markan si kala danbeysa u tegi doona magaalada Dubai, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan saraakiisha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa isla shalay gaaray magaalada Dubai, waxaana la sheegay inay qeyb ka tahay la-tashiyo ay la yeelaneyso madaxda maamul goboleedyada dalka sidii loo wajihi lahaa xaaladda cusub ee Soomaaliya gashay kadib doorashadii Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Imaaraadka oo markii hore olole ugu jiray inuusan xafiiska ku soo laaban madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lacag gaareysa 20 Milyan oo doolar ku bixiyay doorashadii madaxweynaha oo inteeda badan la siiyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON