Imaaraadka Carabta ayaa war kasoo saartay wadahadal magaalada Abu Dhabi uga socday madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland.
Wadahadalkan qabanqaabadiisa uu lahaa safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Alcuthmani ayay shaacisay wakaalada wararka ee Imaaraadka in heshiis laga gaaray kadib kulamo maalmo dhowr ah uga socday magaalada Abu Dhabi hogaamiyeyaasha Soomaalida ee shan maamul goboleed.
Wakaalada ayaa sheegtay in dowladda Imaaraadka Carabta ay soo dhoweysay natiijadii kasoo baxday shirka madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland uga socday Dubai si xal loogu helo khilaafka xuduudeedka magaalada Gaalkacyo ee ka dhaxeeya labada maamul.
Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa heshiis ku gaaray in la joojiyo dagaalka magaalada Gaalkacyo iyo in la sameeyo Guddi wadajir ah oo kasoo shaqeeya dhammaan arrimaha la isku hayo si xal waara loogu helo magaalada Gaalkacyo.
رؤساء الأقاليم الصومالية يتفقون في #أبوظبي على وقف النزاع المسلح بين اقليمي بونتلاند وجلمدغ وتسهيل عودة النازحين إلى مناطقهم. pic.twitter.com/6WmQzTcfhm
— وكالة أنباء الإمارات (@wamnews) November 1, 2016
Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inuu sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si loo joojiyo colaadda shacabka Soomaaliyeedna loogu horseedo nabad iyo wada-noolaasho.
Goobjooge.com