Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Imaaraadka oo War culus kasoo saartay Lacagtii lagu qabtay Muqdisho [Xiriirka labada dal oo meel xun gaaray-Akhriso]

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war Culus kasoo saartay tallaabaadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag u socotay ciidamada Soomaaliya iyo xayiraadda diyaarad siday ciidamo ka tirsan Imaaraadka.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaareyneyso falkii saraakiisha amniga Soomalaiya oo Axadii 8-da bishan April ku xayiren diyaarad rayid ah oo ay la socdeen 47 qof iyo la wareegidda lacag loogu talogalay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo tababarrayaashooda.

Imaaraadka ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay hub ku handadeen ciidamada Imaaraadka ee diyaaradda la socday; waxayna intaas ku dartay in arrintaas ay keentay dib u dhac ku yimid duulimaadkii diyaraadda muddo saacado ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ahayd mid ku timid iskaashi milateri oo labada dal kala saxiixdeen Novembar sanadkii 2014, isla markaana lagu bixiyo mushaarka ciidamada.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa faafisay warkan iyadoo soo xigatay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo sheegtay in tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ay tahay mid sharci darro ah oo kasoo horjeeda xeerarka iyo habraaca diblomaasiyadeed ee dowladuhu ku macaamilaan, iyadoo jebineysa heshiiska labada dal ka dhaxeeya iyo xeerarka caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa xustay falka in falkaas sharci darrada ah lagula kacay iyadoo Imaaraadku uu taageero dhaqaale, siyaasadeed, aadanimimo iyo mid milateri ay siiso dowladda Soomaaliya.


HOOS KA AKHRISO

UAE condemns Somali authorities’ seizure of private jet, funds

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON