Friday, July 18, 2025

Dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqay malaayiin doolar oo lagu gargaarayo Abaaraha Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay  lacag dhan 10 Milyan oo Giniga Istarliinka ah (12 Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday gargaarka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku dhufteen.

Gargaarkan ayaa maanta loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana safaaradda UK ee Muqdisho ka shaacisay Priti Patel oo ah xoghaya horumatinta dibadda ee UK oo Muqdisho soo gaartay.

Safiirka cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya David Concar ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono gargaarka degdegga ah ee cuntada iyo biyaha ay baahida weyn u qabaan dad ku dhow Hal Milyan oo qof.

Dowladda Ingiriiska ayaa noqoneysa dowladii ugu horeysay gargaar intaas la eg ugu deeqda Soomaaliya oo xilligan abaar aad u ba’an ay ku dhufatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON