Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub u soo magacawday dalka Soomaaliya

Dowladda boqortooyada Midowday ee UK ayaa maanta safiir cusub u soo magacowday dalka Soomaaliya, kasoo bedeli doona safiirkii hor oo waqtigiisu dhammaaday.

Safiirka cusub ee UK u fadhin doona magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Ben Fender, sida lagu shaaciyey qoraal ay soo saartay xafiiska arrimaha dibedda UK, waana diblomaasi kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah.

Ben Fender ayaa xilka kala wareegi doona safiirkii xilligan waqtig David Concar oo jagada banneynaya bisha Febraayo ee foodda nagu soo heysa. Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono.

Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON