Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya oo sii faafay gobollada kale ee Amxaarada iyo Cafarta, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal sokeeye oo weyn ka qarxo dalka Itoobiya.
Dowladda Itoobiya iyo is-maamulka Amxaarada ayaa isku diyaariyey dagaal weyn oo rogaal celis ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gobolka Amxaarada in ciidamada Amxaarada ay Sabtida maanta weerar ku qaadi doonaan ciidamada Tigreega ee la wareegay gacan ku heynta magaalada taariikhiga ah ee Lailibela.
“Waxaa la joogaa xilligii dadka Amxaaradu ay cagta marin lahaayeen argagixisada, qof kasta waa inuu diyaar u noqdaa inuu is difaaco” ayuu yiri madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada Sema Tiruneh oo la hadlayay warbaahinta gobolkaas.
Afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ka jawaabayay hadalka Sema Tiruneh ayaa si jeesjees ah u yiri “Soo dhoweyn diirran ayaan u samayn doonnaa.”
Wareysi khadka taleefanka ah ayuu Getachew ku sheegay in ciidamada Tigray ay u tallaabeen gobolka Amxaarada iyo gobolka Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay, isagoo sida uu sheegayay ay isku dayayeen inay jebiyaan go’doominta ay dowladda Itoobiya ku soo rogtay gobolka Tigray.
Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digtay in soo gelitaanka ciidamada Tigreega ay ku galeen degaano ka tirsan Gobollada Amxaarada iyo Cafarta ay tijaabinayaan dulqaadka dowladda federaalka, ayna ku qasban tahay inay bedesho difaacad ay gashay.
Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in dhammaan awoodeeda milateri ay isugu geyn doonto weerarka kooxda TPLF, taasoo ka dhigan inay dagaal buuxa galeyso Itoobiya.
Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday xoogagga Tigray inay oggolaadaan wadahdal nabadeed oo aysan ku xirneyn wax shuruud ah, balse Jabhadda Tigray ayaa shuruud ka dhigtay in marka hore laga qaado go’doonta dowladda Itoobiya gelisay.
