Sunday, July 13, 2025

Dowladda Itoobiya oo boqolaal qof u xirxirtay kadib Bannaanbaxyo ay dhigeen

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in boqolaal qof la xiray xilli ay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda ay ka dhigayeen waqooyiga gobolka Amxaarada.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay guri guri u baarayeen halkaasi iyaga oo dadka xiraya. Dibadbaxyada ayaa bilaabmay bishii aanu soo dhaafnay ka dib markii booliiska ay rasaas ku fureen dad masiixiyiin ah oo goob ku cibaadaysanayay.

Rasaasta ay booliiska fureen ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 5 qof.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaqday in ay xabsiga ka siidaynayso kumannaan qof oo u xirnaa arrimo siyaasadeed.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay ku dhawaad muddo saddex sano ah oo ay mucaaradka dibadbaxyo dhigayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON