Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Itoobiya oo Codsiga Ra’iisal wasaare Kheyre ku sii deysay Weriye Boqorka Bartamaha

Dowladda Itoobiya ayaa uu danbeyn xabsiga kasii deysaay Weriye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo sanado ku xirnaa dalka Itoobiya.

Maxkamada ku taalla dalka Itoobiya ayaa Weriyaha ku xukuntay 27 Sano oo Xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyay arrimo argagixiso oo dad uu asxaab ahaan ula noolaa ay saameyn ku yeesheen, waxaana dowlada Soomaaliya codsi toos ah u diray Itoobiya, kaasoo la aqbalay.

Dad isugu jira madax ka tirsan dowladda Federaalka, saxafiyiin iyo dad ehel la ah ayaa telefoonka kula hadlay Weriye Maxamed Aweyd Muudey oo sheegay inuu dib u helay xoriyadiisa, isagoo Muqdisho ku soo wajahan maalinta Axadda.

Boqorka Bartamaha ayaa mahad celin u diray madaxda dowladda Federaalka oo dadaal u gashay sii deyntiisa, kadib markii Ra’iisal wasaare Kheyre uu codsi toos ah u diray dowladda Itoobiya, taasoo suuragelisay sii deyntiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON