Dowladda Itoobiya ayaa Qunsul cusub u magacowday magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, kadib markii la bedelay qunsulkii hore oo warar kala duwan kasoo baxeen sababihii xilka looga qaaday.
Qunsulka cusub ee Itoobiya u soo magacawday magaalada Hargeysa ayaa ah nin kasoo jeeda Soomaalida Itoobiya oo lagu magacaabo Shamsudiin Amxed Rooble, isagoo hore u ahaa danjiraha Itoobiya u fadhiya dalalka Kenya iyo Jabuuti, wuxuuna hore u soo noqday xildhibaan iyo Wasiir ku xigeen.
Xiriirka Itoobiya iyo Somaliland ayaa hoos u dhacay wixii ka dambeeyay markii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaaraha kasoo jeeda Qowmiayda Orromada ee Abiy Ahmed oo xiriir dhow la sameysatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wakiilka Somaliland ee Itoobiya Axmed Xasan Cigaal ayaa sheegay in isaga, Qunsulka cusub iyo dad badan oo Somaliland jooga ay yihiin Soomaalida kasoo jeeda Itoobiya.