Monday, June 23, 2025

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in shaqaaqada Somaliya ay ku kooban tahay magaalada Muqdisho

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Dina Mufti oo shirkii jaraa’id ee toddobaadlaha ahaa ku qabtay Addis aab ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo mowqifka dowladda Itoobiya.

Dina Mufti ku sheegay in Itoobiya ay isbuucii la soo dhaafay safiir cusub u magacowdey Soomaaliya, kaasoo waraaqihiisii dan-jirennimona u gudbiyey wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kana wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Mar la weydiyey xaaladda Soomaaliya ka soo cusboonaatay sida ay Itoobiya u aragto ayuu sheegay in wax walba oo dalka Soomaaliya ka dhaca ay saamayn ku yeelanayaan dalka Itoobiya, xaaladda Muqdisho ka soo cusboonaatayna ay Itoobiya la socoto, Ishana ku heyso.

Ad

Afhayeenka Wsaradda Arrimaha dibadda Itoobiya wuxuu sheegay in shaqaaqadu hadda ku kooban tahay uun Muqdisho, balse ay gobollada Soomaaliya wax dhib ah ka jirin.

Ugu dambayntiina, waxaa uu tibaaxay in ay dawladda Itoobiya rajaynayso in Soomaaliya ay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON