Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Ittoobiya oo sii deyneysa Maxaabiis uu ka mid yahay Weriye caan ah [Akhriso]

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay dhowaan sii deyneyso maxaabiis Soomaali ah oo sanado badan ugu xukunnaa.

Maxaabiistan oo ku dhow 10 ayaa la sheegay inuu ka mid yahay weriyaha caanka ah ee Maxamed Aweys Muudey oo la sheegay inay Itoobiya ay ka reebtay maxaabiistii hore ee ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay.

114 Maxbuus oo hore loo keenay magaalada Muqdisho kadib wadahadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn loo soo dhoweeyay, waxaase laga dhex waayey weriyaha iyo xubno kale oo kiisas culus ay Itoobiya ku heysatay.

Wakaalada wararka Soomaaliya ayaa baahisay codsi uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u diray dhiggiisa Itoobiya, kaasoo lagu dalbanayo in Itoobiya ku sii deyso maxaabiis Soomaalida ah.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli kacdoonka ka dhashay kiisii Qalbi dhagax uu hoos u dhacayo kadib markii dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON