Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Jabuuti oo Dadkeeda kala baxday Magaalada Diridhabe ee rabshaduhu ka dhaceen

Dowladda Jabuuti ayaa magaalada Diridhabe ka soo daad guraysey dadkii reer Jabuuti ee halkaasi ku noolaa, kadib markii halkaasi lagu dilay dad Jabuutiyaan ah rabshadaah isirka ah ee ka socda dhulka Soomaali Galbeed.

Ilaa 200 qof oo Jabuutiyaan ah oo la sheegay inay dalxiis u joogeen magaalada Diridhabe, ayaa laga daad gureeyay, waxaana dowladda Jabuuti ay maanta u dirtay diyaarado halkaasi ka qaaday oo ku celiyey dalkooda.

Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diridhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah. Rabshadaha Diridhabo ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON