Saturday, July 12, 2025

Dowladda Jabuuti oo Wasiir iyo Madax Sare u xirtay Malaayiin lacag ah oo ay Lunsadeen

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Kiiskan Musuqmaasuqa o ah kii ugu weynaa dalka Jabuuti ayuu Xeer-ilaaliyaha Dalka Jabuuti sheegay in loo xiray Farah Mohamed Osman, oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda Sahal Said Awaleh.

Xariga labada agaasime ayaa keenay in kiiska uu ku lug yeesho Wasiirka Miisaaniyadda Jabuuti Abdoulkarim Aden Cher, oo isna xiray, haddana xabsi ku jira, si loo baaro.

Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda, iyadoo Lacago badan ku qortay in lagu bixiyay adeegyo u muuqda kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

Qaabka lacagahan loo lunsaday waxaa ka mida qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si dhowr jeeer ah ooga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale ayaa baaritaanka uu lugaha la galay. Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xiray ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xiriiriyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee billaabay nidaamkan wax is daba-marinta, sidaasina loo xiray Wasiirka Mr. Abdoulkarim Aden Cher.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON